4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 11, 2021
Duqeymo lala eegtay xarumo Al-shabaab gobolka Jubbada Dhexe

 

Khamiis, Feberaayo, 11 2021 (HOL) - Wararka ka imanaya gobolka Jubbada Dhexe gaar ahaan degmada Saakoow ayaa sheegay in xalay waqti danbe halkaa laga maqlay duqemo ay geysanayeen diyaaradaha dagaalka.

Duqeymaha ayeey dadka deegaanku waramayaan in lala eegtay fariisimo ay saldhigyo ururka Al-shabaab ay ku lahaayeen degmada iyo deegaannada ku xeerran.

Duqeymahan ayaa la sheegay in ay iska kaashadeen  ciidanka gaarka ah ee Soomaaliya ee Danab iyo Taliska Africom ee ciidamada Mareykanka u qaabilsan Africa. 

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jug culus iyo madaafiicda ay tuurayeen diyaaradaha.

Wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca ciidanka howlgalka Africom ee Mareykanka oo la xiriira duqeyntan la sheegay in ay ka fuliyeen gobolka Jubbada Dhexe.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]