4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 10, 2021
Midowga Musharixiinta'' Farmaajo xiligan waa musharax oo kaliya waa in uu shirka sidaa uga qeybgalaa

 

Arbaco, Feberaayo, 10, 2021 (HOL) - Qoraal ka soo baxay Midowga Musharixiinta ayaa lagu taageerray baaqii Dowlad gobolleedyada Puntland, Jubbaland iyo Guddoomiyaha Aqalka sare oo isku raacay in magaalada Muqdisho lagu qabto shirkii uu iclaamiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Musharixiinta ayaa ku baaqay in sidoo kale shirkan la ballaariyo oo ay ka soo qeybgalaan beesha caalamka iyo guud ahaanba saamileyda siyaasadda.

Dhinaca kale Midowga Musharixiinta ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo waqtigii ka idlaaday sidaa daraadeed uu shirkan ka soo qeybgali karo oo kaliya isaga oo la mid ah musharixiinta kale.

Hoos ka akhriso qoraalka ka soo baxay midowga musharixiinta 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]