4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 10, 2021
Cudurka Covid 19 oo mar kale ku soo laba-kacleeyay dalka Soomaaliya


Arbaco,, Feberaayo, 10, 2021 (HOL) - Wasiirka Wasaarradda Caafimaadka Dowladda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur oo u warantay HOL ayaa sheegtay in cudurka Covid 19 uu dib uga soo cusboonaaday dalka Soomaaliya kaddib  markii bilihii ugu danbeeyay cudurkani uu u muuqday mid dalka ka sii dhamaanaya.

Wasiiradda ayaa sheegtay in laga soo bilaabo bishan Feberaayo 4keedii ilaa iyo 9keeda (4-9) ay cudurkan u dhinteen 10 qof halka ay u jeefaan cudurka dad gaaraya 14 ruux,  ilaa saddex (3) qof  kalana ay ku jiraan qeybta gargaarka deg deg ah ICU kuwaa oo xaaladoodu liidato.

Wasiir Fowsiya ayaa intaa ku dartay in ay rajeynayaa in  uu dalka soo gaaro dabayaaqda bishan tallaalka looga hortagayo cudurkan oo dhan  1,224000 (Hal Malyan Labo Boqol Labaatan iyo Afar Kun) oo cirbadood  oo dadka ka faa'ideysanaya ay ugu horreeyaan dhakhaatiirka safka hore kaga jira la dagaalanka cudurka.

Sidoo kale Wasaarradda caafimaadka ayaa qorshaheyneysa in ay tallaalka gaarsiiyaan ilaa 3,000,000 (saddex milyan) oo qofood.

Dhinaca kale Wasiiradda Caafimaadka Dowladda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur  ayaa sheegtay in Covid-19ka deg-degta u faafa ee loo yaqaano (Variants) kana bilowday dalka Britain (UK) aan weli laga helin dalka Soomaalya inkasta oo ay jiraan mawaadiniin Soomaali oo ka yimid dalka Ingriiska oo laga yaabo in ay cudurkaas qabaan laakin aan la ogaan Karin maadaama aysan wasaaradda haysanin qalabka lagu baaro cudurkaan cusub ee Covid-19.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]