4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 10, 2021
Faysal Cali Waraabe “ haduu Muuse Biixi gurigayga iigu soo galo waan iska celinaya”
 

Arbaco, Febraayo, 10, 2021 (HOL)- guddoomiyaha xisbiga mucaarad ka ah ee Ucid ENG: Faysal Cali Waraabe, oo maanta ka hadlayay xaflad uu xisbigiisu kuso dhawaynayay musharixiin, ayaa madaxweynaha Somaliland ugu baaqay in uu xoriyadooda usoo celiyo laba musharax oo uu guddoomiyuhu sheegay in dawladu ka xidhay.

Guddoomiye Faysal Cali waraabe oo jeediyay, hadal dheer oo dhinacyo badan taabanaya, ayaa sheegay in madaxwaynuhu shaqo fiican ka qabtay sidi doorashadu u qabsoomilahayd lakin uu ka daba yimid wanagaa, kadib markii laba musharax oo ka sharaxnaa xisbiga Ucid la xidhay.

“Maal mahan danbe waanu fiicnayn, madaxweyne Muuse wuu fiicnaa, wuxu yidhi lacagtii aan handarabka ku qabtay waaniga ku qabtay diwaan galinta, Alle haku siiyo baanu nidhi hadad handaraab kii inoogu qabatay doorashoyinka, tii kalena waa kii digreetadii qoray, dee lakin wuu ka daba yimidoo shalayto wuxu xidhay laba nin oo musharixiina, sharci lagu xidhaana ma jiro, umadu haday sharci ku kala socon waydo way isku qabsanaysa”. Ayuu yidhi gudoomiyuhu.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in aanu doonayn in uu mudaharaad dhigo lakiin hadii musharixiinta lasoo dayn wayo ay mudaharadi doonan “hadii lasoo dayn wayo wanu madaharadi, mudaharadna maanta dalkeena uma banana, oo dad aan inala mabda ahayn ayaa salaada inagu xidhanaya” ayuu yidhi gudoomiyuhu.

Gudoomiyaha ayaa hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay, in aanu doonayn in ay madaxweynaha isku dhacaan lakin hadii uu madaxwaynuhu gurigiisa ugu soo galo uu iska celin doono.

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]