4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 10, 2021
Cabdi Xaanshi oo soo dhaweeyay soo jeedinta ah in shirka uu iclaamiyay Farmaajo lagu qabto Muqdisho

 

Arbaco, Feberaayo, 10, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaanshi Cabdullaahi ayaa soo dhaweeyay soo jeedinta Puntland ee ah shirka uu iclaamiyay mar kale madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo lagu qabto magaalada Muqdisho.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in shirkaasi ay tahay in ay ka qeybgalaan dhamaanba saamileyda siyaasadda Soomaaliya oo ay si gaar ah doorashadani u quseyso.

Wuxuu sheegay in dhinaciisa uu soo dhaweynayo sida uu hadalka u dhiggay go'aan walba oo dalka lagu badbaadinayo si loo ilaaliyo xasiloonida iyo deggenaasha.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]