4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 10, 2021
Xukuumadda oo dardargalineysa qabsoomida shirka uu madaxweynuhu ku baaqay

 

Arbaco, Feberaayo, 10, 2021 (HOL) -  Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa sheegay in xukuumaddu ka shaqeyn doonto sida uu hadalka u dhiggay fuddudeynta iyo waliba dardar galinta qabsoomida shirka uu madaxweyne Farmaajo ku baaqay in uu ka dhacayo magaalada Garoowe.

Wuxuu sheegay in xukuumaddu dadaal dheeraad ah ku bixineyso fududeynta shirkan iyo sidii loo dardar gelin lahaa fulinta Heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 ee hagayay hannaanka doorashooyinka dalka.

Rooble ayaa intaa ku darray in xukuumaddu qaadeyso door ah isku soo dhaweynta aragtiyaha kala duwan ee fulinta eshiiska Doorashooyinka ee horey loo ansixiyey iyo sidii loogu midoobi lahaa marxaladdan muhiimka u ah geeddi socodka siyaasadeed ee dalka.

Shirkan ayaa lagu waddaa in ay ka qeybgalaan madaxda dowlad gobolleedyada iyo gobolka Banaadir.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]