4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 1 , 2021
Kalfadhiga 12aad ee Golaha Xildhibaanada Degaanka Soomaalida oo maanta furmay
 

Isniin, Feberaayo, 01, 2021 (HOL) - Waxaa maanta ka furmay hoolka shirarka ee Qaryaan dhoodaan Kalfadhigii 12aad ee Golaha Xildhibaanada Degaanka Soomaalida.

Kalfadhigan ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxwaynaha Dawladda Degaanka Soomaalida Mustafe cagjar, Afhayeenka Golaha Xildhibaanada DDS Malaw Ibraahim iyo ku xigeenkiisa iyo Madaxa Xisbiga PP ee Degaanka Soomaalida.

Xildhibaanada ayaa inta uu kalfadhigani socdo waxay kaga hadli doonaan ajandayaal dhawr ah oo ay kamid yihiin, ansixinta hadal qoraaleedkii kalfadhigii kan ka horeeyay ee Golaha, ansixinta iyo ka doodista warbixinta 6 bilood ee dawladda iy qodobo kale.

Kalfadhigan maanta ayaa ku koobnaa ansixinta ajandayaashii laga doodi lahaa, iyadoo labada maalmood ee soo socda loogudagali doono kadoodista ajandayaasha kalfadhigan lagaga hadlayo.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]