4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 1 , 2021
Golaha guurtida Somaliland oo saaka kulan dag dag ah iskugu yimid
 

Isnin, Febraayo, 1, 2021 (HOL)- Golaha guurtida ee Somaliland ayaa kulan ay saaka yeeshen ka dooday codsi ay soo gudbiyeen madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo madaxda xisbiyada mucaridka, kasi oo golaha guurtida lagaga codsanayo in ay waafaqan mudada ay gudida doorashoyinku go’aamiyen in ay ku qabsonto doorashada golayasha deeganka iyo wakiilada oo ah 31 May 2021.

Golaha guurtida ayaa horay mudo labo sano ah dib ugu dhigay doorashooyinka isku sidkan ee golayasha deeganka iyo wakiilada, iyada oo markii danbena gudidada doorashooyinku ay sheegeen in doorashoyinku ay qabsoomidoonan 31 May 2021, tasi oo khilafsan mudadi ay hore u ga’aamiyen golaha guurtidu. 

Hadaba madaxwayne Biixi iyo madaxda asxabta mucaridka Somaliland ayaa codsi u gudbiyay golaha iyaga oo ka codsanaya in goluhu uu gudida dooorashoyinka ku waafaqo xiliga ay u qorsheeyen in ay qabsoonto doorashadu.

Hadaba dood buuq iyo sawaxan ka dhashay kadib golaha  ayaa gudi 31 xubnood ka kooban u saray kasoo talo bixinta codsiyada ay soo gudbiyen madaxwaynaha iyo asxabta mucaridka. Golaha ayaa kulan labad ku balamay maalinta bari ah.

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]