4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 1 , 2021
Cabdirashiid Janaan oo qiray in looga itaal roonaaday dagaalkii dhawaan ka dhacay Beled-Xaawo

 

Isniin, Feberaayo, 01, 2021 (HOL) - Wasiirka Amniga Dowlad Gobolleedka Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa qirtay in looga itaal roodaanaday dagaalkii dhawaan ka dhacay degmada Beled-Xaawo isaga oo dhinaca ka hadlay maxaabiistii looga qabtay dagaalka.

Waxaa uu meesha saaray in dagaalka looga qabtay maxaabiis dhan 250 Askari, isaga oo sheegay in kaliya 37 Askari looga qabtay dagaalka oo qaarkood ay is dhiibeen.

''Markii hore magaalada Annaga ayaa la wareegnay, laakiin waxaa ay noo isticmaaleen hub culus oo ay dowladdu geysay degmada Beled-Xaawo'' ayuu yiri Cabdirashiid Janan.

Wuxuu sheegay in ay arkeen ciidankooda qatar badan wajahayaan sidaa daraadeed ay go'aansadeen in ay dib uga gurtaan magaalada.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in ay ku qabtay dagaalkii ka dhacay Beled-Xaawo ciidamo gaaraya 250 Askari oo ka tirsanaa ciidanka Jubbaland ee magaalada soo weerarray, waxaana baraha bulshada lagu baahiyay ciidamadaa oo qaarkood la jirdalayo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]