4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 1 , 2021
Warar dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha weerarkii hotelka Afrik ee magaalada Muqdisho

 

Isniin, Feberaayo, 01, 2021 (HOL) - Afhayeena ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali oo ka hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ilaa 9 ruux la xaqiijinayo in ay ku geeriyoodeen weerarkii shalay casir liiqii ay xoogagga Al-shabaab ku qaadeen Hotelka Afrik ee magaalada Muqdisho.

Weerarkan oo loo adeegsaday markiisii hore qaraxyo waaweyn ayaa waxaa gudaha u gallay dabley hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaa oo ilaa xalay saqdii dhexe ka dagaalamayay gudaha hoteelka, hasse ahaateen ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa markii danbe soo afjaray howlgalka iyadoo goobta lagu wada dilay xoogaggii weerarka soo qaaday.

Jeneraal Maxamed Nuur Galaal ayaa ka mid ahaa dadkii ku geeriyooday weerarkan,  waxaana uu Jeneraalku ka mid ahaa saraakiishii sar sare ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed kuwooda ugu caansanaa lana soo shaqeeyay dowladdii Militariga.

Mas'uuliyada weerarkan waxaa sheegtay ururka Al-shabaab oo ku tilmaameen in uu ahaa mid qorsheysan oo bartilmaameedku ahaa hoteelka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]