4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 7 , 2021
Hargaysa: Ganacsatada roodhida (rootiga) oo ka hadlay sababta ay qiimaha u kordhiyeen
 

Talaado, December, 7, 2021 (HOL) - Mid kamid ah ganacsatada roodhida (rootiga) Hargaysa, ee isku dhaarsaday in ay kordhiyaan qiimaha roodhida oo waraysi siiyay BBC Somali, ayaa sheegay in ay qiimaha kordhiyeen kadib, markii ay qaaliyoobay waxyaabaha roodhida laga sameeyo sida daqiiqda iyo sokorta.

"2000 ayaanu markii hore tukaamada ugu dhigi jirnay, imikana waxanu ka dhignay 2,500 waxa korodhay waa 500 oo ah %25, markaa waxa qaliyoobay wixii aanu ka samaynaynay oo dhan sida sonkor tii daqiiqdii (bur) iyo naaftadii"ayuu yidhi Siciid Xasan Siciid oo ka mid ah Roodhileeyda oo BBc-da la hadlay.

Waxa uu sheegay in talaabada is dhaarsiga ah ay qaadeen kadib, markii ay laamaha ay qusayso ka waayeen wax wada shaqayn ah.

"Dowlada waanu u tagnay, badhasaabka iyo badhasaab ku xigeenkaba waanu u tagnay, si ay iskaashato noogu sameeyaan oo ay qiimaha iyo waxkastaba nagala shaqeeyaan lakin may midho dhalin" ayuu yidhi Siciid Xasan.

"Wasiirka maaliyadana dhowr jeer ayaanu ku noq noqonay, codsi ayaanu u qoranay wali cidna nooma soo jawaabin".

Waxa uu sheegay in sababta ay dhaartooda u duubeen ee ay baraha bulshada ugu baahiyeen, ay tahay in dadweynaha iyo xukuumaduba ogaato sixir bararka oo laga hadlo.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]