4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 7 , 2021
Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo Muqdisho uga wada hadlay wax ka qabashada xaaladda abaareed ee kasii daraysa
 

Talaado, December, 7, 2021 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa ku qaabilay Muqdisho Xiriiriyaha Gargaarka Bani'aadantinimo ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mr. Adam Abdelmoula.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay xaaladda abaareed ee ka sii dareysa iyo sida ay muhiim u tahay in la sameeyo aragti guud oo lagu maareeyo howlaha samafalka iyo isku xirka dadaallada wadajirka ah.

Wasiirka arrimaha dibadda, ayaa ugu baaqay Qaramada midoobay iyo hay’adaha caalamiga ah inay gacan ka geystaan dadaallada Dowladda federaalka Soomaaliya ay ugu jirto gurmadka loo fidinayo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada (UNOCHA) ayaa dhowaan sheegay in qiyaastii 3.5 milyan oo qof ay soo wajihi doonaan cunto yari ba’an ilaa December, kuwaas oo ku dhawaad 640,730 kamid ah ay wajihi doonaan xaalad degdeg ah.

OCHA, ayaa sheegtay in 7.7 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya ay u baahan doonaan gargaar bani’aadamnimo illaa sanadka 2022 sababo la xiriira colaadaha Soomaaliya ka jira, xaaladaha cimilada gaar ahaan abaaraha, fatahaadaha, saboolnimada sii kordhaysa iyo Covid19.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online