Hiiraan Online
3/28/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, Dec 6 , 2021
Raysal wasaare Rooble: Waxaa iga go'an hirgelinta doorashooyin daahfuran, dhaliil kastana waan saxaynaa
Isniin, December, 6, 2021 (HOL) - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta furay shirka Wadatashiga taabbagelinta geeddi-socodka dowladnimada ee xilliga kala guurka oo uu la yeeshay bulshada rayidka iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed.
Shirkan oo ay ka qeyb galeen gudiga doorashooyinka ayaa diirradda lagu saarayay socodsiinta hawlaha dowladda iyo iswaydaarsiga talooyin ku aaddan dardargelinta iyo turxaan-bixinta hannaanka doorashada dalka.
Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa goobta shirka ka sheegay in ay jiraan caqabado iyo dhaliilo ka soo baxay doorashada aqalka hoose, laakiin ay arrintaasi dib u saxayaan guddiyada doorashada.
Wuxuu raysal wasaaruhu mar kale ku celiyay in ay ka go'an tahay hirgelinta doorashooyin daahfuran iyo socodsiinta hawlaha dowladda iyo adeeg-bixinta.
"Waxaa iga go’aan in aan saxno wixii qaladaad ah ee jira sarana u qaadno hufnaanta iyo habsami u-socodka doorashada sida ugu dhaqsiyaha badan,Waxaan garowsanahay muhiimadda ay leedahay in ay qabsoonto doorasho hufan oo xalaal ah laguna wada kalsoonaan karo, si nabad ahna ku dhacda" ayuu yidhi Ra'iisul Wasaare Rooble.
Shirkan ayaa imaanaya, iyadoo guddiga heer federal ee doorashooyinka uu dhexdiisa isku khilaafay kuraas lagu doortay koonfur galbeed oo guddiga madaxdiisa amreen in lagu laabto.
Raysal wasaare Rooble ayaa la aaminsan yahay inuu culays kala kulmayo dowlad goboleedyada oo saamayn weyn ku leh arrimaha doorashada.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
TPLF oo mar kale ay gacanteeda ka baxeen magaalooyin muhiim ah
12/6/2021 4:08 PM EST
Isniin, December, 6, 2021 (HOL) - Sida ay goor dhawayd shaacisay Warbaahinta dowladda Itoobiya, dowladda ayaa si buuxda ula wareegtay gacan ku haynta magaalooyinka waawayn ee kala ah Dessei, Kombolcha iyo Baati.
Madaxweynaha Uganda oo sheegay weerarada dhawaan ka dhacay dalkiisa in lagasoo abaabulay Soomaaliya iyo Kenya
12/6/2021 10:08 AM EST
Isniin, December, 6, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee dhawaan ka dhacay Kampala , ee ay ka dambeysay kooxda Daacish, in lagasoo abaabulay Soomaaliya iyo Kenya.
Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha oo kala saxiixday Heshiisyo cusub
12/6/2021 10:03 AM EST
Isniin, December, 6, 2021 (HOL) - Wasiirka wasaaradda Warfaafinta dowlada Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe iyo Danjiraha dalka Shiinaha u jooga Soomaaliya Fei Shengchoa ayaa kala saxiixday heshiis la xariira dayactirka iyo qalabeynta xarumaha kala ah Tiyaatarka Qaranka, Radio Muqdisho iyo Wakaaladda Wararka Sonna.
Madaxwayne Mustafe cagjar " Kooxda TPLF ma miyirsanayso ilaa tamartu u run sheegto"
12/6/2021 10:01 AM EST
Isniin, December, 6, 2021 (HOL) - Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar, ayaa khudbad dheerayd oo shalay uu ka jeediyay xafladdii loo qabtay ciidankii liyuuga ahaa ee qalinjabinayay, waxa uu si qoto dheer uga hadlay xaaladda dalka Itoobiya ku jiro, iyo dagaallada ka socda dalka ee dowladdu kula jirto kooxda TPLF.
Bosaso: Ciidamo iyo saraakiil u wareegay taliska cusub ee hay'adda PSF
12/6/2021 9:04 AM EST
Isniin, December, 6, 2021 (HOL) - Agaasimaha cusub ee hay’adda PSF- Puntland, sareeyo guud, Aamiin Xaaji Kheyr ayaa magaalada Boosaaso kusoo dhoweeyay saraakiil iyo ciiddamo kasoo goostay taliskii hore ee PSF.
Hargaysa: Qaybo kamid ah ganacsatada roodhida (rootiga) oo xabsiga la dhigay
12/6/2021 8:10 AM EST
Isniin, December, 6, 2021 (HOL) - Booliiska Somaliland, ayaa xabsiga u taxaabay qaar kamid ah ganacsatada roodhida (rootiga), oo muuqaal ay isku dhaarsanayaan in ay roodhida qaaliyeeyaan uu baraha bulshada ku baahay.
Barkhad Jaamac Batuun "Wasiirka ganacsiga haloo yeedho oo xilka ha laga qaado"
12/6/2021 5:57 AM EST
Isniin, December, 6, 2021 (HOL) - Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun ahna afhayeenka Waddani, ayaa Golaha Wakiilada Somaliland, usoo jeediyay in ay u yeedhaan wasiirka ganacsiga oo ay wax ka waydiiyaan, niman ganacsato ah oo xalay baraha bulshada kasoo muuqday iyaga oo ku dhaaranaya in ay kordhinayaan sixirka Roodhida (rootiga).
Guddiga Doorashooyinka Heer Fedaraal oo shaaciyay inaan la joojin doonin Doorashada Golaha Shacabka
12/6/2021 3:28 AM EST
Isniin, December, 6, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer Fedaraal Maxamed Xasan Cirro ayaa sheegay ineysan marnaba suurtagal aheyn iney joojiyaan doorashada Golaha Shacabka, balse kursi kasta oo aanan la marin habraaciisa rasmiga ah dib loogu noqonayo doorashadiisa.
Xubin katirsan guddiga doorashada heer federal oo ka hor yimid go'aankii lagu laalay kuraas lagu doortay Koonfur galbeed
12/6/2021 1:39 AM EST
Isniin, December, 6, 2021 (HOL) - Yuusuf Maxamed Kheyre (Guurow) oo katirsan xubnaha guddiga doorashada heer federal u qaabilsan Koonfur Galbeed ayaa kasoo horjeestay go'aan guddiga doorashada kasoo baxay oo lagu laalay natiijada doorashada labo kursi oo lagu doortay magaalada Baydhabo.
Raysal wasaare Rooble oo soo dhoweeyay go'aanka guddiga doorashada ka qaateen kuraas lagu doortay Koonfur galbeed
12/6/2021 1:09 AM EST
Isniin, December, 6, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhoweeyay go'aanka Guddiga Doorashooyinka heer Federaal ee FEIT ay ka qaateen kuraas lagu doortay magaalada Baydhabo oo dib loogu celinayo doorashadooda.
Somali News
Ethiopia govt claims recapture of towns on key road to capital
-
APF
12/6/2021 1:10 PM EST
Ethiopia's government announced Monday it had recaptured two strategic towns from rebel fighters, the latest in a rapid series of battlefield victories claimed by Prime Minister Abiy Ahmed's administration.
Top Indian hospital, three banks to build $100m hospital in Somaliland
-
HOL
12/6/2021 12:42 PM EST
MOGADISHU (HOL) - A joint venture between two banks and a major hospital in Indian is set to construct a mul-timillion-dollar hospital in Hargeisa, Somaliland following an agreement Sunday.
Elections committee suspends election of two more MPs, seeks more time on fate of NISA acting boss
-
HOL
12/6/2021 5:45 AM EST
MOGADISHU (HOL) - The Federal Indirect Elections Team has suspended the election of two MPs in South West state adding to three the number of seats now held back by the polls body.
World Bank supports Djibouti to accelerate digital transformation
-
Dev Discourse
12/6/2021 1:19 AM EST
The World Bank today approved a US$10 million credit from the International Development Association (IDA), the World Bank's program for the poorest countries, in support of Djibouti's efforts to accelerate the digital transformation and build a more inclusive digital economy.
Abiy’s efforts to block external supplies to TPLF attract Mideast powers to conflict
-
The East African
12/6/2021 1:01 AM EST
The desire by the Ethiopian government to seal off external access routes for the Tigray People’s Liberation Front (TPLF) has attracted Middle East rivals to the Tigray war, adding outside influence to the year-long conflict.
U.S. Democrat Omar: Pelosi to act against Republican for anti-Muslim comments
-
Reuters
12/6/2021 12:52 AM EST
U.S. Representative Ilhan Omar said on Sunday that she is confident House Speaker Nancy Pelosi will take "decisive action" in coming days against Republican congresswoman Lauren Boebert, for remarks about Omar that have been decried as Islamophobic.
China donates Sinopharm COVID-19 vaccines to Somalia
-
Xinhua
12/6/2021 12:12 AM EST
MOGADISHU -- Somalia on Sunday received 500,000 doses of Sinopharm COVID-19 vaccines donated by China to help intensify the fight against the pandemic in the country amid the Omicron variant.