4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 6 , 2021
Barkhad Jaamac Batuun "Wasiirka ganacsiga haloo yeedho oo xilka ha laga qaado"
 

Isniin, December, 6, 2021 (HOL) - Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun ahna afhayeenka Waddani, ayaa Golaha Wakiilada Somaliland, usoo jeediyay in ay u yeedhaan wasiirka ganacsiga oo ay wax ka waydiiyaan, niman ganacsato ah oo xalay baraha bulshada kasoo muuqday iyaga oo ku dhaaranaya in ay kordhinayaan sixirka Roodhida (rootiga).

Xildhibaan Batuun, ayaa sheegay in ganacsatadu isku dhaarsadeen in ay shacabka cuna qabateeyaan, isla markaana golaha wakiiladu yihiin cida u dhaaratay ilaalinta iyo bad baadinta shacabka.

"Xalay TV-yada waxaynu ka arkaynay niman ganacsato ah oo kitaab gacanta isku saaraya siday shacabka u cuna qabatayn lahaayeen, waxay isku dhaarsanayaan in ay maciishada kiciyaan, waxay isku dhaarsanayan in ay furinka (rootiga) shacabka ku qaaliyeeyaan iyo danbi ay ka galeen shacabka Somaliland, cida u dhaaratayna waa inaga" ayuu yidhi Batuun.

Batuun ayaa golaha ka codsaday in loo yeedho wasiirka ganacsiga, si wax looga waydiiyo sababta uu talaabo uga qaadi waayay ganacsatada isku dhaarsaday sixir bararka, hadii guul laga gaadhi waayana wasiirka xilka laga qaado.

"Waxa masuuliyadaa gabay waa xukuumadii, waa wasiirkii ganacsiga, waa in gudida joogtada ahi wasiirka u yeedhaan, hadii ay dhici waydo waa in goluhu soo gole joojiyo oo masuuliyad daradiisa xilka looga qaado" ayuu yidhi Batuun.

Xildhibaanka ayaa xukuumada Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Biixi ku eedeeyay in ay masuul ka tahay sixir bararka.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]