4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 6 , 2021
Guddiga Doorashooyinka Heer Fedaraal oo shaaciyay inaan la joojin doonin Doorashada Golaha Shacabka
 

Isniin, December, 6, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer Fedaraal Maxamed Xasan Cirro ayaa sheegay ineysan marnaba suurtagal aheyn iney joojiyaan doorashada Golaha Shacabka, balse kursi kasta oo aanan la marin habraaciisa rasmiga ah dib loogu noqonayo doorashadiisa.

Guddoomiye Cirro ayaa sidoo kale sheegay iney ka go'an tahay saxitaanka qaladaad kasta oo ka dhaca doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka.

"Waxa hada socda waa doorasho nooceedu yahay mid dadban oo ay ku heshiyeen madasha Golaha Wadatashiga Qaran, suurtagalna maaha in la hakiyo doorashada, iyada oo socota ayaana la sixi kara waxii qaladaad ah waana waajib in marwalba la saxo waxii cabasho ah" ayuu yiri guddoomiye Cirro.

Hadalka guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer Fedaraal ayaa imaanaya xili cabashooyin badan ay kasoo baxeen doorashada qaar ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee dhawaan lagu kala doortay magaalooyinka Baydhabo iyo Dhuusamareeb.

Hadalkaan kasoo baxay guddiga doorashooyinka heer Fedaraal ayaa sidoo kale kusoo beegmaya xili dhawaan Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya dalbadeen in la joojiyo doorashada kuraasta Golaha Shacabka oo ay sheegeen ineysan aheyn mid ku socota sidii loo baahnaa.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]