4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 5 , 2021
Dowladda Soomaaliya iyo UN-ka oo goobo lagu xannaaneeyo dhirta ka hirgaliyay tuulooyinka Goobweyn iyo Yoontooy


Axad, December, 5, 2021 (HOL) - Barnaamijka wada jirka ah oo ay wada hirgaliyaan dowladda Soomaaliya iyo UN ka ee yareynta isticmaalka dhuxusha (PROSCAL) ayaa labo goobood oo lagu xannaaneeyo dhirta ka hirgaliyey tuulooyinka Goobweyn iyo Yoontooy.

Tuulada Qaam Qaam oo qiyaastii Kismaayo ka xigta 18KM ayaa iyana waxaa ka dhacday xaflad mahad celin ah oo ay soo wada qaban qaabiyeen Agaasinka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ee xafiiska Ra'iisul Wasaaraha iyo Wasaaradda Deegaanka iyo Dalxiiska dowlad goboleedka Jubaland.

Wasiirka Deegaanka iyo Dalxiiska Jubaland, Caydiid Suleymaan Xaashi ayaa guddoonsiiyey Guurtida tuulada Qaam Qaam shahaado, sidoo kalena waxa wasiirku ku wareejiyey odoyaasha tuulada dhir iyo 80 xabbo oo ah burjikooyinka dhuxusha beekhaamiya oo ay Wasaaradda Deegaanka iyo Dalxiiska ee dowlad goboleedka Jubaland ugu deeqday shacabka ku nool tuuladaas.

Tuulada Qaam Qaam waxa ay ku garab taallaa saldhigii tababarka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee Luglow, kaas oo garabka ku haya wabiga Juba, una dhaxeya tuulooyinka Goobweyn iyo Yoontooy.

Agaasimaha Deegaanka, Isbeddelka Cimilada iyo yareynka Isticmaalka Dhuxusha Cabdiqani Raage Barrow  iyo Wasaaradda Deegaanka iyo dalxiiska dowlad Goboleedka Jubaland ayaa go'aan ku gaaray in laga wada shaqeeyo sidii loogu geyn lahaa mashaariic horumarineed shacabka ku nool tuulada Qaam Qaam, shacabkaas oo noloshoodu ku tiirsan tahay xoolaha iyo beeraha.

Odayaasha tuulada Qaam qaam ayaa si tabaruc ah dhul baaxaddiisu dhan yahay 100/50M oo ku kala yaal Goobweyn iyo Yoontooy ugu deeqay in laga hirgeliyo xarumaha xanaanada dhirta, iyadoo laga rajeynayo in loo isticmaalo dhirtaas sidii dib u dhireyn loogu sameyn lahaa dhulkii la xaalufiyey ee dhuxusha laga shiday.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online