4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 4 , 2021
Golaha ammaanka Qaramada Midoobay oo kordhiyay howlgalka la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya
 

Sabti, December, 4, 2021 (HOL) - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay in la kordhiyo joogitaanka ciidamada badda ee caalamiga ah inay la dagaalamaan burcadbadeedda xeebaha Soomaaliya.

Golaha ammaanka ayaa u kordhiyay muddo saddex bilood ah oo keliya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay doonayso in si buuxda u ay maamusho ammaanka biyaha Soomaaliya.

Dowladda Maraykanka ayaa Qaraarkan  soo diyaarisay, waxaana  si aqlabiyad leh u ansixiyay 15-ka xubnood ee golaha ammaanka.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Cusmaan ayaa sheegay in go’aannada Golaha Ammaanka ee ku saabsan burcad-badeedda iyo dhaca hubeysan ee xeebaha Soomaaliya lagu guuleystay in la gaaro hadafkii laga lahaa.

Danjiraha ayaa sheegay afartii sano ee lasoo dhaafay in aanu biyaha Soomaaliya ka dhicin hal kiis oo burcad badeednimo ah, sidoo kalena aysan jirin cid madax furasho loogu haysto Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa doonaysa in lasoo afjaro howlgalka la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida isla markaana iyada lagusoo wareejiyo masuuliyadda sugida ammaanka baddeeda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online