4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 3 , 2021
Gabar Somali American ah oo Tartan Quraan kaalin wayn ka soo gashay oo Minnesota si diiran loogu soo dhaweeyey


Jimco, December, 3, 2021 (HOL)  - Waxaa garoonka diyaaradaha ee magaaladda Minneapolis/St Paul si diiran loogu soo dhaweeyey Ruwayda Qaasim Maxamed oo gabar Soomaali Ameerican ah ku dhalatay dalkan Maraykanaka oo tartanka caalimiga Quraankaee Shiikh Fatima Bint Mubaarak oo Dubia lagu qabto sanad kasta ka soo gashay sanadkaan 2021 kaalinta labaad.

Culumadiinka Magaaladda, odayaasha,ardayda xarunta Tibyan Center,Waalidiinta ayaa xalay si wadajira Ruwayda garoonka diyaaradaha aad ugu soo dhaweeyey waxaana dhamaantood ka muuqday farxad wayn oo ugu hanbalyeeyeen Ruwaydaha dadaalkeeda.

Macalinka Quraanka Ruwaydah Qaasim oo lagu magacaabo Macalin Cabdinasir Faarax ayaa HOL u sheegay in ruwaydah uu quraanka u dhigaayey 12 sano ee la soo dhaafay ayna ka mid ahayd ardayda macadka Tibyan Center kuwooda ugu firfircoon, horena ay tartanka quraanka Minnesota ka dhaca ee Imama Shatibi ay dhawr jeer ka qayb gashay, waa ardayd wanaagsan dadaasha iyada iyo waalidkeedba waana ka rajeenyey in meeshaan iyo meel ka saraysa ay maalin uun gaari doontay Ruwaydah ayuu yiri Macalin Cabdinaasir.


Shiikh Tawakal Ismaaciil oo culumadiinka Minnesota ka mida oo xalay garoonka diyaaradaha ku sugnaa ayaa sheegay in tartankaan oo ay ka soo qaybgaleen ilaa in ka badan 50 dowladood ay Ruwaydah ka gashay kaalinta labaad iyadoo ku tartamaysay magaca dalkaan Maraykanka oo ku dhalatay kuna barbaartay waa guul wayn oo lagu farxo & dariiq ay u furtay jiilka iyada ka yaryar ayuu yiri Shiikh Tawakal.

Sanadkaan waxaa kaalinta kowaad galay gabar u dhalatay dalka Masar halka kaalimaha labaad & Sadaxaadna ay kala galeen Gabdho Soomaali ah oo kala matalaayey Maraykanka iyo Dalk Kenya, kaalinta 4aad waxaa galay Aljeeriya halka kaalinta ugu danbaysa ee 5aad ay heshay gabar u dhalatay dalka Jordan.

Dhamaan culumadii xalay ayaa isku raacay in farxad u tahay in guushaan uu helay arday Maraykanaka ku dhashay taasoo muujinaysa in dunida meel walba lagu xafido karo quraanka.

Culmadiinkii xalay ka qaybgalay soo dhaweeynta Ruwaydah Qaasim Maxamed ayaa waxaa ka mid ahaa Sh Cabdirisaaq Xaashi,Sh Nuur Haadi, Sh Maxamed Shucayb,Sh Maxamed Hanbaase oo dhamantood hadalo qiimo badan oo soo dhaweena garoonka ka jeediyey.

Ugu danbeentii ayaa Ruwaydah iyo saaxiibateed lagu qaaday garoonka baabuur raaxada ee gaarka ah ee loo yaqaan Limousine oo loogu sii galbiyey casho sharaf ay ugu talagaleen Tibyan Center.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis Mn