4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 3 , 2021
Cumar Cabdirashiid: Doorashada dalka ka socota waa laga hor imaanayaa ama la diididoonaa waxa kasoo baxa
 

Jimco, December, 3, 2021 (HOL) - Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo ahaana Senator hore, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo Muqdisho dib ugu soo laabtay, ayaa sheegay dalku inuu xaalad qatar ah ku sugan yahay.

Raysal wasaare hore Cumar Cabdirashiid ayaa ka dhawaajiyay in awooddii doorashada dalka gacanta loo galiyay dad gaar ah oo uu sheegay inay ku tagri faleen oo aanay waxba xeerin.

“Waxaad moodaa habraacii August lagu heshiiyay inuu ahaa habraac awoodda loo fasaxay in ay ku tagri faki karaan dadkii ku hayay doorashada iyo maamulada,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu dalku u baahan yahay Samata-bixin, isla markaana uu ku biiridoono wadatashiyada ay wadaan golaha midowga musharraxiinta Soomaaliya.

“Dalka doorasho caddalaad ah kama socoto, haddii aan hadda xal loo helin sida ay wax ku socdaan, dadku waa ka hor imaandoonaa ama wixii soo baxa ayaa la diididoonaa,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Cumar Cabdirashiid ayaa la filayaa inuu kamid yahay musharraxiinta madaxweynaha u sharraxan, wuxuuna horey labo jeer dalka ugasoo noqday raysal wasaare, isagoo lasoo shaqeeyay labadii xukuumad ee ugu dambeeyay.

  

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online