4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 3 , 2021
Somaliland oo 7 sano oo xabsi ah ku riday 4 askari oo kufsi wadareed geystay
 

Jimco, December, 3, 2021 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee magaalada Ceerigaabo ee Somaliland ayaa ku xukuntay 4 askari min 7 sano oo xarig ah .

Askartan ayaa lagu helay dambi ah inay kufsadeen gabadh 13 jir.

kufsiga Askartan loo Xukumay ayaa ka dhacay badhtamihii sanadkan magaalada Ceel-afwayn ee Gobolka Sanaag, Kadib markii ay kufsi wadareed u geysteen gabadha 13-jirka ah.

Magaalada Hargeysa waxaa sidoo kale iyana ka socda dacwad loo haysto askar kale oo lagu eedeeyay in ay kufsi u gaysteen gabadh dhallinyaro ah sida aan kasoo xiganay warbaahinta Somaliland.

Kufsiyada ayaa kusoo badanaya Somaliland iyo guud ahaan Soomaaliya, marka loo eego warbixinada sannadadii hore lasii daayay.

Sannadkii hore ee 2020, 142 kufsi ayaa ka dhacay gudaha Somaliland. Gobolada Sool, Maroodi-jeex iyo Togdheer ayaa ugu badnaa tirada kufsiyadaas.

Sannadkan weli lama oga tirada kufsiyada ka dhacay Somaliland. Hase ahaatee, waxaa la filayaa in la shaaciyo horraanta sannadka cusub.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online