4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 2 , 2021
Dhallinyaro ka shaqeynayay biyo dhaaminta abaaraha oo ku geeriyooday miino kula qaraxday Buulo Xaaji oo Kismaayo u dhow
 

Khamiis, December, 2, 2021 (HOL) - Ugu yaraan 4 Dhallinyaro ah ayaa ku geeriyooday miino kula qaraxday deegaanka Buula Xaaji ee Galbeedka Magaalada Kismaayo.

Dhallinyaradan ayaa waxay ahaayeen dhallinyaro wadatay gaari nooca biyaha lagu dhaamiyo oo ay Xoolo biyo ugu dhaansanayeen.

Falkaan waxa uu dhacay saacaddo ka hor markii ay saakay  deegaankaasi la wareegeen ciidanka Daraawiishta maamulka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ee Danab.

Sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka, dhallinyarada ayaa biyo dhaamin u sameynayey qoysas ku nool Buula-Xaaji oo abaarta dalka ka jirta ay saameysay.

Lama oga cidda ka dambeysa falkan, hase yeeshee dowladda federalka Soomaaliya ayaa waxay ku eedeysay kooxda Alshabab in ay falkaan iyagu ka dambeeyaan.

Marxuumiinta ayaa lagu aasay deegaanka Buulo Xaaji, oo ay hadda gacanta ku hayaan ciiddanka Jubbaland, oo dhinaca kale miino baaris ka wada fariisimaha Alshabab ay ka baxeen.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online