4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 2 , 2021
Somaliland oo hambalyo u dirtay Jamhuuriyada Barbados
 

Khamiis, December, 2, 2021 (HOL) - Qoraal kasoo baxay wasaarada arrimaha dibada Somaliland, ayay xukuumada Somaliland ugu hambalyaysay Jamhuuriyada Barbados oo loo aqoonsaday dal cusub oo caalamka kamid ah.

"Dowlada J. Somaliland waxay jeceshahay in ay xusto munaasibada taariikhiga ah ee ah in Barbados noqotay qaran cusub oo caalamka kusoo biiray, waxayna ugu hambalyaynaysa madaxda iyo dadka dalkaas, in ay gaadheen qaranimo" ayaa lagu yidhi qoraalka.

Waxa kale oo lagu sheegay in xukuumada Somaliland diyaar u tahay in ay iskaashadaan Barbados, oo ay ka wada shaqeeyaan danaha ka dhaxayn kara.

"Dowlada Somaliland waxay diyaar u tahay inay ka taageerto qarankan hanka wayn ee Barwaaqo sooranka kamid ah wax kasta oo khuseeya danaha labada dhinac iyo danaha caalamiga ah, waxayna u hambalyaynaysaa madaxweynihii ugu horeeyay ee dalkani yeesho Dame Sandra Mason, oo qaaday mas'uuliyad hoggaamineed ee weyn".

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Somaliland ay caalamka ka rajaynayso in ay ka hesho aqoonsi sidan oo kale, isla markaana, ay  sii wadi doontaa dadaalka ay ugu jirto inay hesho madax-bannaani buuxda, ayna rajaynayso in dadka Barbados ay Somaliland u noqon doonaan saxib dhow.


Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]