4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 1 , 2021
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM oo howlgalo ka sameeyay deegaano hoostaga magaalada Baledweyne


Arbaco, December, 1, 2021 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Kuwa dalalka Jabuuti iyo Itobiya ee qeybta ka ah Ciidanka AMISOM ee ku sugan magaalada Baledweyne ayaa howlgalo ka sameeyay deegaano dhowr ah oo hoos taga magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Ciidamada iskaashanaya ayaa howlgalada waxay ka sameyeen ilaa 10 deegaan oo ka mid ah deegaanada hoos yimaada magaalada Baledweyne oo ku yaala Bariga iyo Galbeedka degmada Baledweyne.

Deegaanada ay howlgalada ka sameeyeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM waxaa ka mid ahaa Baardheere, Xujuub, Ceelka Baar, Faafgumare iyo deegaano kale.

Taliyaasha Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo howlgalka kadib saxaafada hadlay ayaa waxay sheegeen in ujeedka howlgalkooda maanta uu ahaa xaqiijinta amaanka degmada Baledweyne oo la filayo in dhawaan lagu qabto doorashada 25 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11 -aad ee Soomaaliya.

Deegaanada maanta ay howlgalada ka sameeyeen ciidamada is garabsanaya ayaa masaafo ahaan magaalada Baledweyne waxay u jiraan ilaa ugu badnaan 10-KM, taaso ka dhigan in Al-shabaab aysan ka fogeyn magaalada Baledweyne, waxaana xiliyada qaar ay kusoo qaadaan weerar Saldhigyada ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ku leeyihiin magaalada Baledweyne.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]