4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 7 , 2021
Shirguddoonka golaha wakiilada cusub ee Somaliland oo xilkii la wareegay
 

Sabti, Agoosto, 7, 2021 (HOL) - Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo dhawaan loo doortay guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ee dhawaan la doortay iyo ku xigeenadiisa Siciid Mirre Faarax iyo Cali Xaamud Jibriil, ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka shirguddoonka golaha wakiilada.

Xubnaha shirguddoonka oo Salaasadii todobaad kii hore loo doortay in ay hogaamiyaan golihii wakiilada ee 5aad ee Somaliland yeelato, ayaa xilkii maanta si rasmi ah ugala wareegay shirguddoonka golihii wakiilada ee la doortay sanadkii 2005 oo kuraasta ku fadhiyay muddo ku siman 16 sano.

Guddoomiyaha xilka la wareegay Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa sheegay in hada laga soo gudbay doorashadii, isla markaana goluhu u midoobi doono gudashada masuuliyada uu la wareegay.

"Goluhu aragti ayuu ku kala tagay, wakhtigaa waala dhaafay, waxa loo gudbayaa xilgudasho, waxan rajaynayaa insha allah aniguna aan leeyahay awoodo aan golahan iskugu keeno, saaxibadaydii aanu aragtida ku kala tagnayna aanu dib iskugu soo noqon doono, aanuna ka fikiri doono dadkii nasoo doortay iyo waxay naga sugayaan" ayuu Khaliif HCTV u sheegay.

Guddoomiye ku xigeenada golaha ayaa iyaguna balan qaaday in ay ka shaqayn doonaan midaynta xubnaha golaha wakiilada oo hirdankii doorashada shirguddoonka goluhu kala ka xeeyay isla markaana aragtiyo kala fog qabay, waxayna sheegeen in maalinta bari ah goluhu yeelan doono munaasibad qado ah oo lagu midaynayo.

Xubnaha loo doortay shirguddoonka golaha wakiilada cusub ee Somaliland, ayaa dhamaantoodba kasoo baxay xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo UCID, inkastoo guddoomiye ku xigeenka 1aad Siciid Mirre Faarax uu ka tirsana isbahaysigii xisbiga Kulmiye iyo garabka UCID.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]