4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 7 , 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo si deg deg ah ugu hambalyeeyay guddoonka cusub ee guddiga doorashada Somaliland
 

Sabti, Agoosto, 7, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa si deg deg ah ugu hambalyeey xubnaha is doortay ee guddiga doorashada gobolada Waqooyi ee garabka Mahdi Guuleed.

Raysal wasaare Rooble ayaa sheegay inuu sii wadi doono waan waantii uu ka dhex waday khilaafka ka dhex taagnaa siyaasiyiinta gobolada Waqooyi oo ay hormuudka ka yihiin guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Mahadi Guuleed.

"Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa u hambalyeey xubnaha Guddoonka Gudiga Guddiga Doorashada Somaliland ee SEIT ee  maanta oo Sabti ah is doortay.  Ra’isul Wasaaraha ayaa ku booriyay xubnaha guddoonka la doortay in ay dargaliyaan sida ugu dhaqsaha badan doorashooyinka  iyaga oo kaashanaya Guddiga heer Federal ee FEIT. Ra’isul Wasaare Rooble ayaa sheegay uu sii wadi doono waan waantii uu ka dhex waday siyaasiyiinta Somaliland ee ay kala hogaamiyaan Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’isul Wasaare ku xigeen Mahdi Guuleed" ayuu yiri afhayeenka Xukuumada Rooble Maxamed Ibraahin Macalimuu.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Raysal wasaare Rooble uu waqti badan galiyay sidii uu isfaham u kala dhexdhigi lahaa garabyada isku haaya guddoonka guddiga doorashada gobolada Waqooyi ee Somaliland.

"Ra’isul Wasaare Rooble ayaa dadaal iyo waqti badan galiyay sidii isfaham uu kala dhex dhigi lahaa garabyada Siyaasadda Somaliland walow ayan miro dhal noqon . Hadaba si loo hirgaliyo doorashada oo ay ugu horreysa hirgalinta doorashada aqalka sare ayuu Ra’isul Wasaaruhu kulan la qaatay xubnaha Guddigii 11-ka ee SIET Somalialnd isaga oo amray in dib la isu doorto" ayuu yiri Macalimuu.

Hambalyada uu goordhaw sida deg deg ah ugu hambalyeeyay Raysal wasaaraha Soomaaliya xubnaha iska dhex doortay guddoonka guddiga doorashada gobolada Waqooyi ee garabka Raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed ayaa imaaneysa xili doorashadaasi ay diideen ka qeybgalkeeda xubnaha afarta ah ee garabka guddoomiye Cabdi Xaashi, lama saadaalin karo sida uu xalka ku dhamaan doono iyadoo markii horeba khilaaf adag uu ka taagna doorashada guddoonka guddiga Somaliland.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]