4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 7 , 2021
Guddiga doorashada wakiiladda gobolada waqooyi ee Somaliland oo doortay shir gudoon

Sabti, Agoosto, 7, 2021 (HOL) - Khadar Xariir Axmed ayaa loo doortay guddoomiyaha guddiga doorashada wakiillada gobolada waqooyi ee Somaliland u matalaya labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya.

Musharax Maxamed Cabdilaahi oo xilkaan kula tartamayay ayaa tanaasulay, waxaana khadar Xuseen Xariir uu helay 7 cod. Natiijada Doorashada Waxaa ku dhawaaqay gudoomiyaha Guddiga hirgelinta doorashooyinka Maxamed Xasan Ciro.

Doorashada waxaa ka qeyb qaatay todobo xubnood oo katirsan guddigan, waxaan ka maqnaa afar xubnood oo ka socday garabka guddoomiye Cabdi Xaashi, kuwaas oo xalay sii sheegay in aysan kaga qeyb gali doonin doorashada maanta.

Khadar Xariir Axmed ayaa horey u ahaa guddoomiyihii guddiga doorashada garabka raysal wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed, ka hor inta uusan raysal wasaaruhu laalin doorashadii lagu doortay.

Dhinaca kale, Nagiib Xuseen Samaale ayaa loo doortay gudoomiye ku xigeenka guddiga doorashada, kadib markii 6 cod kaga guulaystay Amal Mustafe Muuse oo heshay hal cod.

Golaha Siyaasadda Somaliland ayaa horay ugu gacan sayray doorashadan. War-saxaafadeed ay soo saareen waxay ku sheegeen inaanu jirin heshiis laga gaaray khilaafyadii taagnaa, waxayna ku eedeeyeen ra'iisul wasaaraha in uusan la iman wax hindise xal ah.

Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo siyaasiyiin ku mowqifka ah ayaa lagu wadaa in ay mar dhow soo saaraan war-saxaafadeed ay kaga hadlayaan doorashada maanta ka dhacday xerada Afisyoone iyo sababta ay u diideen baaqyadii loo jeediyay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online