4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 6 , 2021
Maamulka degmada Guriceel oo ka hadlay dhalinyarro sheegay inay Sun u cabeen arrimo jacayl darteed
 

Jimco, Agoosto, 6, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, Faarax Cabdi Macalin, ayaa been abuur ku tilmaamay in magaalada Guriceel ay ka jiraan dad Sun u cabay arrimo jacayl dartiis.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inay soo baxeen dhalinyarro ku shaqeysata in ay baraha bulshada soo dhigaan muuqaallo jilitaan ah oo ku saabsan qof sheegaya in gabadh uu jecel yahay Sun u cabay.

Wuxuu sheegay markii ay dabagal ku sameeyay falkii ugu dambeeyay oo ah wiil dhalinyarro oo kasoo muuqday baraha bulshada isagoo sheegaya inuu Sun cabay, ay ku ogaadeen inuu been abuur yahay lana doonayo in sumcad dil lagu sameeyo bulshada.

‘Xaaladdu waxay hadda maraysaa in inta Xamar laga yimaado la yiraahdo, Guriceel ayaan Sun usoo doonanay. Runtii waa wax lala yaabo.,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Guriceel.

Guddoomiyuhu wuxuu caddeeyay in ay laamaha ammaanku tallaabo ka qaadi doonaan cid kasta oo ku lug yeelata arrimahan, islamarkaana qofkii lagu qabto been abuurkaas in uu xabsi u galidoono.

Hadalka guddoomiyaha degmada Guriceel ayaa yimid xilli ay booliiska Galmudug raadinayaan mid kamid ah dhalinyarrada lagu eedeeyay inuu sameeyay been abuur ku saabsan isagoo sun cabay oo yaalla isbitaal.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online