4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 5 , 2021
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo digniin culus u diray Musharaxiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed
 

Khamiis, Agoosto, 5, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa si kulul uga hadlay Musharaxiin uu sheegay iney is hubeynayaan.

Madaxweyne Laftagareen oo ka hadlaayay munaasabad lagu dhiiragalinaayay ciidanada Qalabka sida oo ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa sheegay in wali ay hortaalo shaqo badan oo la xariirta xaqiijinta amaanka.

"Qof walba oo reer Koonfur Galbeed ah waxaan kusoo dhaweyneynaa gacmo furan, kan wax dooranaya iyo kan la dooranayo amnigooda anaga ayaa ballan qaadnay, cid walba oo qalqal galinaysa iyo al-Shabaab waa isugu kaaya mid waana ka qabaneynaa," ayuu yiri madaxweyne Laftagareen.

Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa sidoo kale sheegay in cid walba oo isku dayda iney qalqal galiso amaanka ay ula dagaalami doonaan sida Al-shabaab oo kale.

"Mudooyinkaan dambe waxaa soo siyaaday wax la yiraahdo cagojugleyn. Farriin baa laguu keenayaa, waxaa laguu sheegayaa in ninkii hebel ahaa uu soo gatay hub (2 PKM, 3 PKM), wuxuuna yiri, haddii kursigeyga hadal la geliyo tii dheered baa dhaceysa" ayuu yiri madaxweynaha Koonfur Galbeed Laftagareen.

Hadalka madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa imaanaya xili Koofur Galbeed ay ka bilawdeen howlaha doorashooyinka, ay ku sugan yihiin Musharaxiin badan oo doonaya iney kasoo dhex muuqdaan saaxada siyaasadda Soomaaliya sida Xildhibaanada Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]