4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 4 , 2021
Maamulka gobolka Banaadir oo soo saaray amaro culus oo ka dhan ah gawaarida xamuulka qaada ee ka shaqeeya Dekadda Muqdisho
 

Arbaco, Agoosto, 4, 2021 (HOL) - Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo saaray amaro culus oo ka dhan ah gaadiidka Xamuulka ee ka dhex shaqeysto Dekada weyn ee Magaalada Muqdisho, si loo xakameeyo saxmada badan ee ka taagan wadooyinka Muqdisho.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir  Saalax Cumar Xasan oo warbaahinta u aqriyay awaamiirta ayaa sheegay in Milkiilayaasha gadiidka Xamuulka ah ee ka shaqeysta Dekada iyo magaalada gudaheeda, in gaadiidka loo ogol yahay iney dekada kasoo baxaan 10:00 habeenimo kuna egtahay 4:00 aroornimo.

"Waxaa la mamnuucay gadiidka waa weyn ee Xamuulka ah iyo gaadiidka Dekadda kasoo qaada Rarka dheeraadka ah oo mararka qaar ku rogmada wadooyinka magaalada Muqdisho, isla markaana dhibaato ay ka dhalato, dhamaan gaadiidleyda xamuulka qaada ee ka shaqeeya dekadda & saraakiisha Ciidamada ayaa waxaa la faray inay dhaqan geliyaan amarka kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir sida uu yahayna loo fuliyo" ayuu yiri afhayeen Saalax Cumar Xasan.

Amaradan culus ee kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli wadooyinka waa weyn ee Muqdisho ay mararka qaar shil ku galaan gaadiidka waaweyn ee Xamuulka ah, kuwaas oo inta badan keena jaamka wadooyinka magaalada Muqdisho ka jira.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]