4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 4 , 2021
Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo magaacabay guddiga doorashada Aqalka Sare
 

Arbaco, Agoosto, 4, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa xalay magacaabay xubnaha Xildhibaanada golaha Wakiilada qabashada doorashada Aqalka Sare ee BFS.

Xubnaha uu magacaabay guddoomiye Gacal ayaa ka kooban 12 xubnood waxayna iska dhex dooran doonaan guddoomiye iyo ku xigeenkiisa.

Xubnahan ayaa ka shaqeyn doona sidii Xildhibaanada maamulka Galmudug u dooran lahayeen Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ay deegaan doorashadooda tahay Galmudug.

Maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa iyaga horay u qabtay qeyb ka mid ah kuraasta Aqalka sare, waxaana la filaa Galmudug iney noqoto maamulka sadaxaad ee qabta doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]