4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 4 , 2021
Faahfaahino ku saabsan kulan Xalay dhexmaray Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran
 

Arbaco, Agoosto, 4, 2021 (HOL) - Kulankan oo Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ku dhexmaray aalada fogaan araga madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa looga hadlay dardargelinta arrimaha doorashooyinka dalka.

Kulanka ayaa Raysul wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu warbixin ka siiyay madaxda Madasha halka ay mareyso xallinta kala aragti duwanaanta hoggaanka guddiga maamulka doorashada gobollada Waqooyi ee Somaliland.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahin Macalimuu ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in kulanka madaxda wadatashiga qaran uu kusoo idlaaday jawi aad u wanaagsan.

"Golluhu waxa uu si buuxda u taageeray dadaalada  Ra’isul wasaaraha ee lagu dhameystirayo dhismaha Guddoonka Guddiga Maamulka Doorashooyinka Soomaaliland oo Maanta uu Raysalwasaaruhu ku wargaliyay Xubnaha Gudigaas in ay si deg deg ah isaga dhex doortaan hogaankooda iyo waliba in la dardar geliyo howlaha doorashooyinka dalka" ayuu yiri Macalimuu.

Kulankan ayaa imaanaya xili arrimaha doorashooyinka Aqlka Sare aay ka bilaawdeen qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka sida Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo qabtay qaar ka mid ah kuraasta Xildhibaanada Baarlamaanka  Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]