4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 3 , 2021
Guddiga Doorashooyinka Heer Fedaraal oo ka hadlay doorashadii ka dhacday Baydhabo, fariina u diray maamulada kale
 

Talaado, Agoosto, 3, 2021 (HOL) - Guddiga doorashooyinka heer Fedaraal ayaa soo dhaweeyay natiijada doorashooadii Aqalka Sare BFS ee ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Guddiga ayaa bogaadiyay shaqada dhamaan dhinacyadii gacanta ka geystay qabsoomida doorashada Shan ka mid ah kuraasta Aqalka sare ee Shalay ka dhacday magaalada Baydhabo taasoo ay kusoo baxeen Senatarada hoos ku xusan.

1. Zamzam Ibraahim Cali, 2. Ayaan Aadan Cabdulahi, 3. Aadan Cabdinasir Maxamed, 4. Maxamuud Maxamed Cabdinuur, 5. Dr Xuseen Maxamed Daahir

Hoos ka akhriso War saxafadeedka kasoo baxay guddiga doorashooyinka heer Fedaraal:-


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]