4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 29, 2021
Soomaali tahriibayaal ah oo ka tagay Turkey oo ku go'doonsan xuduuda Belarus iyo Lithuania
 

Axad, Agoosto, 29, 2021 (HOL) - 40 qof oo Soomaali ah oo tahriibayaal ah ayaa lagusoo waramayaa in ay muddo Toddobo cishe ah ku xaniban yihiin inta u dhaxeysa dalalka Belarus iyo Lithuania, iyagoo loo diiday in ay safarkooda sii wataan.

Soomaalidan oo markii hore ka tagay dalka Turkiga, ayaa doonayay inay tahriib ku galaan dalalka kale ee Yurub.

Ciidamada ilaalada xuduuda ee dalka Belarus ayaa ka jeex jeexay dhammaan dukumintiyadii ay ku safrayeen.

Qaar kamid ah oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay safarka in ay qeyb ka yihiin carruur iyo dad waayeel ah islamarkaana ay wajaheen dhibaatooyin is biirsaday una baahan yihiin caawimaad.

Waxay sheegeen in labo gabdhood oo kamid ahaa ay geeriyoodeen kaddib markii iyagoo ka cararaya ciidamada Belarus ay ku dhaceen webi.

“Toddobo maalin waxaan joognaa meel aan qorrax ka jirin oo baraf iyo roob uu ka da’ayo. Meel aan u gudubno ma hayno. Ciidamada Belarus waxay nagu dhaheen haddaad noosoo gaashaan, waan idin dilaynaa,” ayuu yiri Xasan Cabdi oo kamid ah Soomaalida ku go’doonsan xuduuda labada dal.

Soomaali farabadan ayaa sanadihii dambe kusii qul qulayay qaar kamid ah dalalka Yurub, waxaana qaarkood ay la kulmaan dhibaatooyin ay kamid yihiin dil iyo dhibaatooyin kala duwan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online