4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 27, 2021
Wasiirka waxbarashada Puntland oo ka hadlay masuuliyiin katirsan wasaaraddiisa oo shaqada looga joojiyay musuq maasuq iyo xatooyo
 

Jimco, Agoosto, 27, 2021 (HOL) - Wasiirka waxbarashada Puntland, Cabdulaahi Maxamed Xasan ayaa ku eedeeyay hanti-dhowrka Puntland inuu ka degdeg ka muuqdo warbixin ay dhawaan soo saareen oo ay shaqada kaga joojiyeen masuuliyiin katirsan wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare.

Wasiirka wuxuu sheegay baarista hanti-dhowrku in aanu marin nidaamkii looga baahnaa, isagoo nasiib darro ku tilmaamay in baraha bulshada lagu faafiyay baaristii oo socota oo aan loo gudbin hay’addihii ku shaqada lahaaa.

Wuxuu sheegay in arintaan ay saamayn ku yeelan karto taageerada lasiiyo waxbarashada Puntland iyo sumcadda wasaaradda waxbarashada oo kamid ah wasaaraddaha ku tiirsan taageerada hay’addaha deeq bixiyaasha.

“20 sano ayaan soo dhisaynay waxbarashada Puntland, ma doonayno inuu dhaawac soo gaaro. Dowladda lafteeda waxaa laga rabaa in ay ilaaliso anshaxa baarista iyo nidaamka dowladnimada," ayuu yiri wasiirka waxbarashada.

Dhawaan ayay ahayd markii hanti dhowrka guud ee Puntland uu shaqada ka joojiyay agaasimaha waxbarashada Puntland, Maxamed Cali Faarax iyo saddex masuul oo kale, oo loo haysto musuq maasuq iyo wax isdaba marin.

Hanti dhowrku wuxuu sidoo kale xiray 13 akoon oo wasaaraddu ku lahayd bangiyada gaarka loo leeyahay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online