4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 26, 2021
Somaliland oo kordhinaysa mushaarka ay qaataan ciidamada qalabka sida
 

Khamiis, Agoosto, 26, 2021 (HOL) - Warbixin laga soo saaray shirkii 78aad ee golah wasiirada Somaliland, oo uu shirguddoominayay madaxweynaha Somaliland, ayaa lagu sheegay in xukuumada Somaliland ay 20% kordhinayso mushaarka ciidamada.

Wasiirka maaliyada Somaliland Sacad Cali Shire oo ka warbixinayay miisaaniyada sanadka, ayaa sheegay in mushaarka ciidamada qalabsida 20% la kordhin doono sannadkan sida lagu sheegay warbixinta kasoo baxday shirka golaha wasiirada Somaliland.

Mushaarka ciidamada Somaliland ayaa markii ugu danbaysay  ee la kordhiyo ahayd wakhtigii madaxweyne Siilaanyo, markaasi oo mushaaraadka ciidamada la kordhiyay 100%, waxaana baryahaaba loo dhagtaagayay in xukuumada madaxweyne Biixi kordhindoonto mushaaraadka ciidanka mar kale.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]