4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 23, 2021
Wararkii ugu dambeeyay xaalada magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan
 

Isniin, Agoosto, 23, 2021 (HOL) - Waxaa maanta xaalad deganaasho ah laga dareemaya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib xaalad kacsanaan ah oo habeenkii xalay ahaa si weyn uga jirtay Baledweyne.

Ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya iyo kuwa Hirshabeelle ayaa xalay fiidkii hore la wareegay dhamaan xarumahii muhiimka u ahaa maamulka Hirshabeelle ee gobolka Hiiraan kuwaas oo diidan imaashaha Cali Guudlaawe ee lagu waday in maanta oo Isniin ah Baledweyne si qasab ah looga dajiyo.

Waxaa sidoo kale Xalay magaalada Baledweyne ruxay boqolaal shacab ah oo isugu soo baxay banaanbaxyo xoogan oo ay kaga soo horjeedaan Hirshabeelle kuna taageerayaan ciidanka la baxay Badbaado Hiiraan ee la wareegay guud ahaan magaalada Baledweyne.

Waxaa sidoo kale isla xalay gudaha magaalada Baledweyne soo galay ciidamada daacada u ah hoggaamiyaha Kacdoonka Hiiraan Jenaraal Abuukar Xuud oo ka mid ahaa saraakiishii hore ee dowladii dhexe ee Soomaaliya, kaasoo muddo 10 bilood ah isaga iyo ciidankiisa hortaagan yihiin in Baledweyne uu yimaado Cali Guudlaawe.

Jawiga siyaasadeed ee magaalada Baledweyne ayaa si weyn isku badalay kadib markii todobaadkii lasoo dhaafay Baledweyne gaareen siyaasiyiin la sheegay iney yihiin danleey oo doonaya iney kasoo muuqdaan doorashada soo socota ee Aqalka sare iyo Aqalka hoose ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabeelle gaar ahaan gobolka Hiiraan kuwaas oo sidii markale ka dhex arkay sidii ay siyaasada uga soo muuqan lahayeen iney ku xiran tahay in Cali Guudlaawe ay Baledweyne ku geeyaan si qasab ah.

Dhacdadii habeenkii xalay ahaa ka dhacday Baledweyne oo si weyn looga hadal haayo guud ahaan dunida ayaa kusoo aadaysa, kadib markii ay soo baxeen warar sheegayay in si awood ah magaalada Beledweyne lagu geyn doono Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe, taas oo dhalisay xaalad kale oo haddii ay sidaas dhacdo keeni karta in dagaal uu ka dhaco magaalada Baledweyne.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]