4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 22, 2021
Guddigii raysal wasaaruhu u magacaabay dhacdadii Golwayn oo taliska AMISOM la kulmay
 

Axad, Agoosto, 22, 2021 (HOL) - Guddigii heer wasiir ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay baaritaanka dhacdadii Golweyn ee lagu dilay dad rayid ah, ayaa maanta shirkii ugu horreeyay la yeeshay taliska AMISOM.

Guddigan waxay AMISOM kala hadleen sidii ay caddaalad u heli lahaayeen dhibbaneyaashii dhacdadii Golweyn.

Wasiirka caddaalada Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in ay saddex qodob kala hadleen AMISOM, kuwaas oo kala ah, in caddaalada la horgeeyo askarta falkaas ka dambeeyay, in la qanciyo qoysasaska dhibbanayaasha iyo in aanay mar dambe soo laabaninin dhibaatada nuucaan ah ee AMISOM ay shacabka u geysanayso.

Wasiirku wuxuu sheegay in ay diyaariyeen guddi farsamo oo ka shaqeyndoona fulinta qodobadan, wuxuuna intaas ku daray in AMISOM ay diyaar u tahay in xal laga gaadho arrintaan.

Guddigan ayaa la kulmidoona qoysaska dhibbanayaasha ah, waxayna ka shaqeydoonaan sidii ay ku heli lahaayeen caddaalad iyo xaqooda.

Warsaxaafadeed xalay kasoo baxay taliska guud ee AMISOM ayaa lagu sheegay, in AMISOM ay qiratay in dadkii lagu laayay Golwayn ay ahaayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online