4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 22, 2021
Somaliland iyo Kenya oo kawada shaqaynaya horumarinta waxbarashada Somaliland
 

Sabti, Agoosto, 21, 2021 (HOL) - Wasiirka Waxbarashada Somaliland Axmed Maxamed Diiriye Toorno, oo  safar shaqo ku jooga Kenya, ayaa la kulmay wasiirka waxbarashada Kenya Prof. George Albert Magoha, waxayna lababa wasiir ka wada hadleen xidhiidhka waxbarasho ee Somaliland iyo Kenya, sidookale wasiirka ayaa la Kulmay deeq bixiyayaasha caalamiga ah.

"Socdaalkayagu wuxa uu daaranaa, hay'adaha dowlada Kenya u qaabilsan waxbrashada iyo deeq bixiyayaasha xafiisyada halkan ku leh, ee qaybta muhiim ka ah ka qaata maali galinta waxbarashada Somaliland, iyo hay'ado kale, deeq bixiyayaasha waxaanu kala hadlaynay mashruuca waxbarashada ee 5ta Sanadood ee soo socota" ayuu yidhi Toorno.

"Waxaanu sidookale la kulanay wasiirka waxbarashada Kenya, xogeeyaha joogtada ah iyo agaasimaha guud, waxanan nu ka wada hadalnay in farsamada gacanta la maal galiyo, in ay ka qayb qaataan  kor u qaadista jaamacadaheena, innaguna aynu u gudbino waayo aragnimadeena" ayuu hadakiisa ku daray.

Somaliland iyo Kenya ayaa leh xidhiidh xaga waxbrashada la xidhiidha marka laga tusaale qaato daraasiin macalimiin Kenyan ah oo ka shaqeeya hay'adaha waxbarashada Somaliland waxaana la sheega in tirada macalimiinta ugu badan ee Kenyan ka ah ee ka shaqeeya waddamada Geeska Afrika ay Somaliland marti galiso.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]