4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 21, 2021
Xildhibaan Goodax Barre oo si kulul uga hadlay xaalada gobolka Hiiraan fariina u diray Raysal wasaaraha Soomaaliya
 

Sabti, Agoosto, 21, 2021 (HOL) - Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa si faahfaahsan uga hadlay xaalada cakiran ee dhanka siyaasadeed ee ka taagan maamulka Hirshabeelle gaar ahaan gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Goodax ayaa marka hore Raysal wasaaraha Soomaaliya u diray fariin ku socota wax ka qabashada tabashada ay ka qabaan shacabka reer Hiiraan maamulka Hirshabeelle si loo baajiyo inuu dhiig ku daato magaalada Baledweyne lagana wareejiyo doorashada Xildhibaanada Aqalka hoose qeybta deegaan doorashadooda tahay Baledweyne.

"Ra’isul Wasaare Rooblow, Soomaali oo dhan waxay abaal kaaga haysaa in aad dalka ka badbaadisay qalalaase iyo dib-u-socod, waxaana dalka u jiheysay doorasho.  Waxaan rajeynayaa in aad si wanaagsan uga warhayso xaaladda lagu dhisay Hirshabelle iyo tabashooyinka ka jira, sidaan ognahay dalka doorasho ayuu u dareeray, reer Baladweynana diyaar ayey u yihiin in Guddiga Doorashooyinka si nabad-galyo leh u soo dhaweeyaan. Haddii aad ku raacsantahay in magaalada Baladweyne dhiig lagu daadiyo, doorashadana Jowhar loo wareejiyo, Rooblow barasho wanaagsan. Haddii aadan ku raacsaneyn, nabaddoonimadii lagugu bartay reer Hiiraan hakaa arkaan" ayuu yiri Xildhibaan Goodax.

Dhinaca kale Cabdullaahi Goodax Barre ayaa si adag u dhaliilay siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Hiiraan oo Baledweyne gaaray iyo madaxda ugu sareysa Hirshabeelle oo uu ku eedeyay iney burburinayaan masiirka umadda reer Hiiraan oo ay ka shaqeyn hayaan in colaad ka dhacdo gobolka Hiiraan.

"Wadatashiyadii socday, waxaa hakad galiyay wafdi uu hogaaminayo Yusuf Dabageed oo gadaal ka yimid, isla markaana qaarkood hadallo daandaansi ah baraha bulshada u mariyay dadka deegaanka una arka xalka keliya in ay dagaalamaan. Wafdiga Dabageed wuxuu iigu muuqday dad colaad xambaarsan Isla markaana ku shaqaynaya fikirkii Dabageed ee ahaa "Haddii Cali Guudlaawe uusan imaan Baladweyne doorasho kama dhacayso" Waa ayaan darro iyo nasiib xumo weyn in dadka nuucaas ah ee Muqdisho taleefanka looga hagayo, in ay ummad dhan masiirkooda u burburiyaan danahooda shaqsiga ah, iyagoo sheeganaya in ay dadkaan matalaan, isla markaana ay abuuraan colaad iyo qalalaaso, si ay Guudlaawe Baladweyne u keenaan iyadoo loogu caga-jugleynayo in doorashada laga wareejinayo Baladweyne" ayuu yiri Xildhibaan Goodax.

Waxuu sidoo kale sheegay Xildhibaan Goodax Barre hadii qof ku dhinto magaalada Baledweyne oo laga abaabuli haayo colaad inuu masuuliyadeeda qaadi doono madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuusen.

Hadalka Cabdullaahi Goodax ayaa imaanaya xili maalmo ka hor magaalada Baledweyne ay gaareen siyaasiyiin u badan Xildhibaanada laga soo doorto Baledweyne kuwaas oo qaarkood mudadii ay Xildhibaanada ahayeen aanan hal booqasho ku tagin Baledweyne, iyadoo ay jirtay mudadaasi ay matalayeen shacabka reer Hiiraan in dhibaatooyin badan ka dhaceen magaaladaasi sida Fatahaado iyo dagaalo geystay khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed waxaana xiligaan joogitaan kooda Baledweyne uu noqonaya sidii markale loogu dooran lahaa Xildhibaanimo.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]