4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 21, 2021
Shirka golaha wadatashiga qaran ee doorooshooyinka oo Muqdisho ka furmay
 

Sabti, Agoosto, 21, 2021 (HOL) - Shirka golaha wadatashiga Qaranka oo uu Shir guddoominayo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka furmay Muqdisho.

Shirkan ayaa looga hadlayaa diyaarinta hab-raacyada doorashada Golaha Shacabka, raadinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka ee aan weli soo xeroonin iyo sidii horey loogu wadi lahaa doorashooyinka dalka ka bilowday.

Dhammaan madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, ayaa shirkaan ka qeyb galaya, waxaana la filayaa inuu socdo muddo labo cishe ah.

Raysal wasaare Rooble ayaan ka jawaabin baaqii midowga musharraxiinta Soomaaliya, ee ahaa in lagasoo qeyb galiyo shirkaan, kaddib markii ay walaac ka muujiyeen hannaanka ay ku bilowdeen doorashooyinka aqalka sare.

Guddiga doorashooyinka ayaa dhawaan soo saaray hab-raaca lagu maamulayo doorashooyinka aqalka hoose, waxayna dadku isweydiinayaan sababta golaha wadatashigu usoo saarayo hab-raac doorasho oo aan ahayn midka guddigu soo saaray.

Doorashada aqalka hoose oo qorhuhu ahaa in la gudo galo bishaan bilowgeeda, ayaa waxaa ku yimid dib u dhac kale, waxaana la filayaa in golaha wadatashigu sameeyaan jadwal cusub oo doorasho.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online