4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 20, 2021
Ururka ONLF oo ugu baaqay shacabka Soomaalida Itoobiya iney is hubeeyaan
 

Jimco, Agoosto, 20, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha Ururka ONLF Dr C/raxmaan Sheekh Mahdi Maadey oo waraysi bixiyay ayaa ka waramay si guud xaaladda dalka Itoobiya iyo degaankaba.

Ugu horeyn Guddoomiyuhu wuxuu ka hadlay xaaladda uu ku sugan yahay dalku gaar ahaan dagaallada ka soconaya Waqooyiga, oo uu sheegay inuu xalku ku jiro wada hadal labada dhinac ah, balse uusan xal ahayn dagaalku.

Mar uu ka hadlayay dhanka doorashada oo degaano dalka kamid ah oo Soomaalidu ku jirto la filayo in bisha soo socota doorasho ka dhacayso waxa uu sheegay guddoomiyuhu inay eegayaan waxa ay layimaadaan gudida doorashadu, oo uu sheegay in haddii aan labadalin kaararkii codbixinta oo horey muranku ooga dhashay iyo waliba aan lakeenin dad dhexdhexaad ah inaysan doorasho dhacaynin, waa siduu hadalka u dhigay guddoomiyuhu, isla markaana go'aanku u yaalo shacabka iyo golaha dhexe ee ururku.

Mar uu ka hadlayay isbaddalkii kaddib degaanka maxaa iska badalay, guddoomiyuhu waxa uu sheegay in marka hore la helay nabad, maadaama iyaga iyo dawladdu ay xabadii joojiyeen, balse guddoomiyuhu waxa uu sheegay sida uu hadalkiisa u dhigay inay jirto faragalin kaga imaanaysay dhinaca xukuumadda degaanka ka arrimisa, oo uu sheegay in marar badan xafiisyadada ONLF la xiray isla markaana calanka ONLFna lajeexjeexay waa siduu hadalka u dhigay Guddoomiyaha ONLF Dr C/raxmaan Maadey.

Geesta kale mar uu ka hadlayay guddoomiyuhu xubnaha garabka kale ee ONLF oo horey ururka looga saaray, wuxuu sheegay inuu soo dhawaynayo albaabkuna u furan yahay, rajana ka qabo inay ururka kusoo laabanayaan.

Dhinaca kale mar uu ka hadlayay arrinta galbeedka Sitti ee degaanka Soomaalida gaar ahaan tii u dambaysay ee Garbaciise waxa uu sheegay guddoomiyuhu in arrintu ay tahay mid siyaasad ah oo haba yaraatee shacabka Canfartu aysan shaqo ku lahayn, Canfar iyo Soomaalina ay yihiin dad walaalo ah, dagaalkana uu yahay mid dano siyaasadeed wata, balse shacabka Soomaaliyeed ee la xasuuqayo aysan marnaba raalli ka noqoneyn ururku ayna difaaci doonaan.

" Shacabku waa inay diyaar garoobaan, is hubeeyaan oo hub gataan sida shacabka Axmaarada loo yiri hub ha gataan idinkuna waa inaad hub gadataan oo qoryihiina qaadataan, anigu malihi dad kale ku duula laakiin waxaan leeyahay is difaaca oo degaankiina haddii la idinku yimaado is difaaca, haddii ay timaado dawladnimo wada jir ahna waan ka qayb galaynaa, haddii nin walba uu degaankiisa ku ekaadana inaan is difaaci karno waalagama maarmaan " ayuu yiri guddoomiye Maaday.

Hadalka guddoomiyaha ayaa u muuqday mid degganaasho ay ka muuqatay, isagoo geesta kale cadeeyay mawqifka ururku ka leeyahay dhanka xaaladda guud ee dalka iyo degaankaba.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]