4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 20, 2021
Mid kamid ah fannaaniintii ugu caansana bari-samadkii oo Boorama ku geeriyoday
 

Jimco, Agoosto, 20, 2021 (HOL) - Waxa magaalada Boorama xalay ku geeriyooday Cabdiraxmaan Cismaan Maxabbe (Cabdiraxman Dheere), oo ahaa Fannaan, mulaxan iyo hal-abuur aad loo jeclaa, oo ku luuqeeyay heeso badan oo caan ah.

Cabdiraxmaan Dheere wuxu fankiisu soo caan baxay sanadihii todobataneeyadii wuxuuna muddo dheer ka tirsanaa kooxdii ciidamada millateriga dowladii Kacaanka ee Horseed faraceedi Jeneraal Da'uud ee magaalada Hargaysa.

Cabdiraxman Dheere ayaa waayihiisii fanka ahaa fannaan aad caan uga ah bulshada fanka jecel dhexdeeda, wuxuuna codkiisa ku qaaday heeso badan oo hirgalay isla markaana wuxu ahaa mulaxan wayn iyo hal abuur riwaayadaha iyo heesaha curiya.

Heesaha uu ku luuqeeyey kuwooda ugu caansan waxa kamid ah, Halkan aynu joogna ma jidkii siraadbaa, Suul-dhabbaale, Geesiga barbaarta, Allahayow dhib badana ninka tagay dhulkisii, Boqorkii haweenkay, Hargaysay iyo Umadyahay.

Cabdiraxmaan Dheere sidookale heesaha uu laxanka saaray ayaa waxa ugu caansan, Wisiisi oo ay ku luuqayso Aamina Cabdillahi Xirsi, Jidka siraad oo uu isagu qaado, Suul-Dhabbaale oo isaga iyo Sahra Axmed Jaamac wada qadaan, Geesiga barbaarta oo uu sagu qaado iyo Umadyahay oo uu sagu qaado.

Cabdiraxman riwaayadaha uu ka qayb qaatay waxa kamid ah, Dab jacayl kari waa, Farxadi waa naxdin iyo riwaayad lagu magacaabi jiray Soomaaliya oo ahayd riwayad Waddani ah oo ay soo agaasintay dowladii Kacaanka.

Fannaanka ayaa la sheegay in uu habeenkii xalay saxasho ugu geeriyooday magaalada Boorama, oo uu dagana 30 kii sano ee ugu danbeeyay. Fannaanka waxa u dhaxday Aamina Cabdillaahi Xirsi, oo ah fannaanad caan ah, waxana caruurtiisa ugu caansan Hodan Cabdiraxman Dheere oo ah fannaanad da'yar.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]