4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 20, 2021
Kolanyo ka tirsan ciidanka Kenya oo qarax lagula eegtay gobolka Jubbada Hoose
 

Jimco, Agoosto, 20, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Kulbiyow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaasi qarax xoogan lagula eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo deegaankaasi ku sugnaa.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso waxaana lala beegsaday kolanyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Kenya, waxaana la sheegay in mid ka mid ah gaadiidka kolanyada ahaa uu haleeyay qaraxa miinada ahaa.

Dadka deegaanka waxay sheegeen in qaraxa miinada uu khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh ay kasoo gaareen ciidamada Kenya balse aysan xaqiijin karin inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay qaraxaasi miino ee lala eegtay ciidanka Kenya.

Qaraxa miino kadib waxaa lasoo wariyay in ciidamada Kenya ay rasaas farabadan rideen, islamarkaana howlgalo baaritaano ay ka sameeyeen goobta uu ku qabsaday qaraxa miino.

Al-shabaab ayaa ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland ee ku sugan deegaanada Jubbooyinka la beegsada weeraro dagaal toos ah iyo waliba kuwa qaraxyo ah.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]