4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 19, 2021
Xisbiga Waddani oo xukuumada Somaliland ku eedeeyay in ay lunsatay malayiin dollar
 

Khamiis, Agoosto, 19, 2021 (HOL) - Xogeeyaha arrimaha bulshada xisbiga Waddani Maxammed Saddiiq Dhame, ayaa xukuumada Somaliland ku eedeeyay in ay musuq maasuqday lacag dhan $2.5 milyan, oo uu sheegay in ay sanadkiiba kasoo xerooto qaybta baadhista caabuqa Covid 19, ee isbitaalka Hargaysa.

Xogeeyaha ayaa sharaaxaad ka bixiyay lacago uu sheegay in ay kasoo xeroodaan qaybta baadhista Covid-19 ee isbitaalka wayn ee Hargaysa kuwaasi oo uu sheegay in la lunsaday.

"Mishiinka lagu baadho Covid-19 sanadkaa uu shaqaynayay waxa la baadhay 60,570 qof, qofkiiba waxa laga qaada $45, maalintii wuxu u shaqeeyaa 250 ilaa 300 oo qof oo lacagta kasoo baxdaa gaadho $13000, ilaa hada lacagta uu shaqeeyay waa $2.5 milyan, dadka ka shaqeeya waa ilaa 10 qof, qofka ugu sareeya wuxu qataa $500 ka ugu hooseeyana $150" ayuu yidhi.

Xogeeyaha ayaa ku andacooday in lacagaha kor ku xusan ee uu sheegay in ay kasoo xeroodaan qaybta baadhista Covid-19 ee isbitaalka Hargaysa, la lunsaday isla markaana dad gaar ahi munaafacaadsadaan.

"Dhamaan qalabka uu mishiinka Covid-19 ku shaqeeyo waxa bixisa WHO iyo UNICEF oo macnaheedu tahay in aanu wax kharash ah isticmaalin, aduunka $2.5 ah ma majiro wax uu ku baxo ama qorshe loo sameeyay.., xisbi ahaan waxaanu aaminsanay lacagta intaa leeg intii  ay gali lahayd caloolo dad caafimaadka qaranka in ay gasho" ayuu yidhi.

Xisbiga Waddani ayaa marar kala duwan eedo musuq maasuq oo tan lamid ah usoo jeediyay guddida la dagaalanka caabuqa Covid-19 ee uu madaxda ka yahay madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
 [email protected]