4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 19, 2021
Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo Casuumaad ka helay dowladda Sacuudiga
 

Khamiis, Agoosto, 19, 2021 (HOL) - Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada dalka dhawaan u safri doonaan wadanka Sacuudi Carabiya.

Madaxda Golaha wadatashiga Qaranka Soomaaliya ayaa la sheegay iney Casuumaad rasmi ah ka heleen dowladda Sacuudiga.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in casuumaada Sacuudiga uu u fidiyay madaxda wadatashiga qaran ee Soomaaliya ay la xiriirto sidii looga wada hadli lahaa xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo arrimaha doorashooyinka dalka.

Waxaa sidoo kale kulanka ka mid ah sidii loo wanaajin lahaa xiriirka labada dal ee Sacuudiga iyo Soomaaliya oo sida la sheegay aad u xumaa afartii sano ee lasoo dhaafay.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sidan oo kale sanadkii 2016-kii waxay casuumaad u fidisay madaxdii dowlad goboleedyada dalka, islamarkaana kala hadashay arrimo xasaasi ahaa oo xiliga dalka ka taagna sida doorashadii dhacday sanadkii 2017-kii.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]