4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 19, 2021
Baledweyne Khasaare ka dhashay dhisme Masjid dabaq ah oo goordhaw ku dumay Shaqalaahii dhisaayay
 

Khamiis, Agoosto, 19, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya xaafada Ceel jaalle ee duleedka magaalada Baledweyne ayaa sheegaya in dhisme Masaajid oo dabaq ah uu goordhaw kusoo dumay Shaqaalahii ku howlanaa dhismaha Masaajidka.

Goobjoogayaal ku sugan xaafada Ceel jaalle ayaa Shabakadda HOL u sheegay in ilaa 7 ruux oo ka mid ahaa Shaqaalahii ka shaqeynaayay dhismaha Masaajidka ay dhaawacyo culus kasoo gaareen dhismaha kusoo dumay.

Wararka qaar ee nasoo gaaraya ayaa sidoo kale sheegaya in wali qaar ka mid ah Shaqaalaha ku hoos jiraan dhismaha soo dumay.

Lama oga sababta rasmiga ah ee keentay inuu soo dumo dhismahan Dabaqa ah oo wali shaqada dhisitaanka ay ku socoto.

Lasoco waxii kusoo kordha wararkan

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]