Hiiraan Online
3/29/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 19, 2021
Banaanbax looga soo horjeedo ciidanka AMISOM oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho
Khamiis, Agoosto, 19, 2021 (HOL) - Banaanbaxaan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Taalada Daljirka Dahsoon ee ku taala degmada Boondheere ee gobolka Banaadir ayaa waxaa looga soo horjeeday dilkii dhawaan ay u geysteen ciidamada AMISOM dad shacab ah oo ku noola deegaanka Golweyn gobolka Sh/hoose.
Dibadbaxayaasha ayaa sitay boorar ay ku qoran yihiin erayo ay ka mid ahayeen dil gardaro ah doonimeyno Xasuuq dooni meyno iyo erayo kale oo ay ku muujinayeen dareenkooda ku aadan dadkii shacabka ahaa ee lagu dilay deegaanka Golweyn.
Banaanbaxayaasha qaarkood oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in AMISOM ciidankeeda si bareer ah oo arxan daro ah ay u dileen dadka rayidka ahaa, islamarkaana falkaasi ay ku tilmaameen inuu ahaa xasuuq loo geystay dad beerahooda iyo aqaladooda ku sugnaa.
Todobaadkii hore ayay aheyd markii ciidamo ka tirsan AMISOM ay degaanka Golweyn ee Gobolka Shabellaha hoose ku dileen 7 Ruux oo Shacab ahaa kadib markii qarax lala beegsaday.
Waxaana banaanbaxa maanta uu kusoo beegmaya xili Madaxweynaha Uganda oo Yuweri Musavani uu qirtay in ciidamadiisa ku sugan Soomaaliya geysteen falkaasi.
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]
Xisbiga Waddani oo beeniyay hadal kasoo yeedhay afhayeenka Kulmiye
8/19/2021 1:51 PM EST
Khamiis, Agoosto, 19, 2021 (HOL) - Xogeeyaha guud ee xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi, ayaa beeniyay hadal uu afhayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Xasan sheegay oo ahaa in doorashada madaxtooyadu aanay qabsoomayn sanadka 2022.
Cabdimaalik Muuse Coldoon oo mar kale xabsiga loo taxaabay
8/19/2021 12:52 PM EST
Khamiis, Agoosto, 19, 2021 (HOL) - Ciidamada booliiska Somaliland, ayaa xabsiga u taxaabay saxafi Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ah shakhsi caan ka ah baraha bulshada, isla markaana u olloleeya in la xidho xarumaha madadaalada iyo dhaqanka iyo dugsiyada wadamada shisheeye leeyihiin ee Somaliland ku yaala.
Qarax xoogan oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho
8/19/2021 12:39 PM EST
Khamiis, Agoosto, 19, 2021 (HOL) - Faahfaahino hordhac ah ayaa kasoo baxaya qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho.
Xisbiga Waddani oo xukuumada Somaliland ku eedeeyay in ay lunsatay malayiin dollar
8/19/2021 10:16 AM EST
Khamiis, Agoosto, 19, 2021 (HOL) - Xogeeyaha arrimaha bulshada xisbiga Waddani Maxammed Saddiiq Dhame, ayaa xukuumada Somaliland ku eedeeyay in ay musuq maasuqday lacag dhan $2.5 milyan, oo uu sheegay in ay sanadkiiba kasoo xerooto qaybta baadhista caabuqa Covid 19, ee isbitaalka Hargaysa.
Ciidamada Midowga Yurub ee ilaalada xeebaha Soomaaliya oo ka hadlay weerar burcad badeedu ku qaadeen Markab ganacsi
8/19/2021 10:12 AM EST
Khamiis, Agoosto, 19, 2021 (HOL) - Markab xamuulka qaada oo lagu magacaabo Ro-Ro oo ku gooshayay calanka dalka Turkiga ayaa lagu qaaday weerar budhcad-badeednimo xilli uu marayay meel ka baxsan Soomaaliya Jimcihii, 13-kii Ogosto, sida lagu sheegay xog ay bixisay EU NAVFOR.
Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo Casuumaad ka helay dowladda Sacuudiga
8/19/2021 8:22 AM EST
Khamiis, Agoosto, 19, 2021 (HOL) - Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada dalka dhawaan u safri doonaan wadanka Sacuudi Carabiya.
Baledweyne Khasaare ka dhashay dhisme Masjid dabaq ah oo goordhaw ku dumay Shaqalaahii dhisaayay
8/19/2021 7:14 AM EST
Khamiis, Agoosto, 19, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya xaafada Ceel jaalle ee duleedka magaalada Baledweyne ayaa sheegaya in dhisme Masaajid oo dabaq ah uu goordhaw kusoo dumay Shaqaalahii ku howlanaa dhismaha Masaajidka.
Yoweri Museveni oo qirtay in ciidankiisu ay dad rayid ah ku laayeen gudaha Soomaaliya
8/19/2021 4:28 AM EST
Khamiis, Agoosto, 19, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa qirtay in ciidamadiisa ku sugan Soomaaliya ee qeybta ka ah AMISOM ay dad rayid ah ku dileen gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Dib u dhac ku yimid shir Maanta ku balansanayeen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran
8/19/2021 4:17 AM EST
Khamiis, Agoosto, 19, 2021 (HOL) - Waxaa dib u dhac ku yimid shir ku saabsanaa dardar gelinta howlaha doorashooyinka oo lagu waday iney maanta magaalada Muqdisho ku yeeshaan golaha wadatashiga qaran.
USAID oo $20 milyan oo doollar ku bixisay la-dagaallanka COVID-19 Soomaaliya
8/19/2021 3:03 AM EST
Khamiis, Agoosto, 19, 2021 (HOL) - Hay’adda USAID ayaa $ 20 milyan oo dheeraad ah ugu deeqday Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF) ee Soomaaliya si looga caawiyo la-dagaallanka cudurka faafa ee COVID-19.
Somali News
Suicide attack in Somali capital kills at least 2
-
Anadolu Agency
8/19/2021 3:05 PM EST
At least two people were killed and several others wounded on Thursday evening in a suicide bomb explosion in the Somali capital Mogadishu, an official said.
UN calls for protection of aid workers amid crisis in Somalia
-
Xinhua
8/19/2021 8:52 AM EST
The United Nations on Thursday called on all parties in Somalia to protect humanitarian workers who provide life-saving assistance to vulnerable persons in the country.
Kenya refunded cash for troops in Somalia Shabaab war
-
The East African
8/19/2021 8:28 AM EST
Reimbursements to Kenya for troops fighting Al-Shabaab militants in Somalia for the last financial year surpassed the target after the European Union (EU) and its partners wired nearly Ksh5.6 billion ($51 million) between April and June.
UN warns of humanitarian crisis in Somalia as donor funding shrinks
-
HOL
8/19/2021 6:06 AM EST
MOGADISHU (HOL) - The UN in Somalia has warned against the deteriorating humanitarian situation in the country noting limited funding could sink millions more into starvation.
A record number of Black MLAs heading to the legislature
-
Halifax Examiner
8/19/2021 1:03 AM EST
A record number of four Black MLAs have been elected to the Nova Scotia legislature. For the Liberals, incumbent Tony Ince and newcomers Angela Simmonds and Ali Duale were elected in the 41st provincial election that saw Tim Houston’s PC’s win a majority government. NDP newcomer Suzy Hansen won in the riding of Halifax Needham.
Opportunities for Ethiopian avocados
-
Euro Fruit
8/19/2021 12:54 AM EST
Evert Wulfrank, CEO of Belgium-based Durabilis, describes Ethiopia as a country full of opportunities. Back in 2011/12, he says, while seeking an additional source for snowpeas and sugarsnap peas to complement the company's supplies from Guatemala and Peru, Ethiopia emerged as the best candidate.
Ilhan Omar to Republicans Fearmongering About Refugees: Cry More
-
Teen Vogue
8/19/2021 12:48 AM EST
While Republican politicians use the crisis unfolding in Afghanistan to again fearmonger about refugees, Representative Ilhan Omar — the only former refugee in Congress — has a question for them: What are you so afraid of, being outshined?
Somalia sets 31 August deadline for operators to register, or close down
-
Capacity Media
8/19/2021 12:34 AM EST
Telecoms companies in Somalia have until the end of the month to apply for licences to operate, or they will have to cease.