4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 19, 2021
Dib u dhac ku yimid shir Maanta ku balansanayeen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran
 

Khamiis, Agoosto, 19, 2021 (HOL) - Waxaa dib u dhac ku yimid shir ku saabsanaa dardar gelinta howlaha doorashooyinka oo lagu waday iney maanta magaalada Muqdisho ku yeeshaan golaha wadatashiga qaran.

Shirkaan ayaa waxaa horay u shaaciyay Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kadiba kulan dhanka Aalada fogaan araga ah oo dhexmaray Raysal wasaare Rooble iyo madaxda maamul goboleedyada dalka, islamarkaana la isku afgartay in madaxda wadatashiga ay isugu yimaadan magaalada Muqdisho si loo dhameystiro arrimaha doorashooyinka.

Baaqashada shirkan lagu waday inuu maanta furmo ayaa loo sababeeyay maqnaasha Raysal wasaaraha Soomaaliya oo safar shaqo ugu maqan dalka Masar iyo waliba madaxda dowlad goboleedyada dalka oo aan iyagana soo gaarin magaalada Muqdisho.

Madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa lagu wadaa in qaarkood saacadaha soo socda ay soo gaaraan magaalada Muqdisho si ay ugu sii diyaar garoobaan shirka maanta lagu balansanaa ee dib u dhaca ku yimid, kaasoo diirada lagu saari doono dardar gelinta iyo dhameystirka howlaha doorashooyinka dalka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]