4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 19, 2021
USAID oo $20 milyan oo doollar ku bixisay la-dagaallanka COVID-19 Soomaaliya
 

Khamiis, Agoosto, 19, 2021 (HOL) - Hay’adda USAID ayaa $ 20 milyan oo dheeraad ah ugu deeqday Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF) ee Soomaaliya si looga caawiyo la-dagaallanka cudurka faafa ee COVID-19.

Kaalmadani cusub waxay keenaysaa maalgelinta USAID ee UNICEF Soomaaliya in ay gaartay $ 34.7 milyan sannadka 2021.

Waxay kaalin mug leh ka qaadan doontaa taageeridda ururka iyo la-hawlgalayaasheeda si kor loogu qaado awoodda maxalliga ah loona xoojiyo adkaysiga bulshooyinka iyo nidaamyada wax-ka-qabashada COVID-19 masiibada iyo dhibaatooyinka kale ee dalka horyaalla.

Hay'adda USIAD waxay sheegtay in maaliyaddan cusub aysan kaliya gacan ka geysaneyn yareynta saameynta masiibada Covid19, laakiin waxay sidoo kale xoojin doontaa ilaalinta carruurta, caafimaadka, iyo adeegyada nafaqada, iyo sidoo kale bixinta biyo nadiif ah iyo fayadhowr wanaagsan, ayaa lagu yiri warbixinta.”
   
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online