4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 18, 2021
Xubno ka tirsan Guddiga Doorashada Heer Fedaraal oo ka horyimid habraacii shalay la soo saaray
 

Arbaco, Agoosto,18, 2021 (HOL) - Xubno ka tirsan guddiga doorashooyinka heer Fedaraal ayaa si cad uga hor yimid habraacii doorashada golaha Shacabka ee Shalay saareen xubno uu ka mid yahay guddoomiyaha guddiga doorashada heer Fedaraal.

War qoraal ah oo aay soo saareen xubno ka tirsan guddiga doorashada heer Fedaraal ayaa lagu sheegay inaan la isku raacsaneen habraacii shalay soo baxay ayna ku koobneyd qeyb ka mid ah guddiga, islamarkaana ay sheegeen in habraacyada la shaaciyay aysan aheyn kuwa saxan.

Xubnahan ayaa nasiib darro weyn ku tilmaamay in qeyb yar oo kamid ah guddiga doorashada ee uu hoggaamiye u yahay guddoomiye Maxamed Xasan Ciro inay soo saaraan habraac aan waafaqsaneyn wadajirka guddiga.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]